Dawladda Itoobiya oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha xooggaga TPLF geysteen

Addis Ababa  -(Berberanews)-Afhayeenka Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mrs Bilene Seyoum, ayaa sheegtay in jabhadda TPLF ay khasaare naf iyo maalba ah ka gaysteen gobollada Canfarta iyo Axmaarada.

“Waxay geysateen khasaare weyn oo soo gaadhay hanti gaar ah iyo mid guud, dad badan ayaana ku naf waayey,” ayey Bilene ku tidhi war-saxaafadeed ay soo saartay maanta.

Tusaale ahaan, Afhayeenka Ra’iisal-wasaaraha ayaa weriyayaasha tustay sawirro muujinaya burburinta hanti ee ciidammada TPLF ay ka geysteen gagida dayuuradaha ee, Kasagita, Debre Sina, Shoa Robit, Gashena iyo Lalibela.

Sawirrada ayaa muujinaya burbur loo geystay guriyaha sida gaarka ah loo leeyahay, bangiyo, ganacsiyo iyo xarumo caafimaad.

“Burburka hantiyeed ka sokow, waxa jira calaamado muujinaya xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo meelo badan ka dhacay,” ayey tidhi Afhayeenka.

Wasiiru-dawlaha ayaa sheegtay in ay jiraan warar sheegaya in boqollaal qof oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay Gashena iyo Woqooyiga Shoa Antioch.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka fallaagada TPLF oo ku saabsan burbur lagu eedeeyey inay gesyteen.

Barakaca ka dhashay dagaalka:

Bilene oo soo xiganaysay Guddiga Federaalka ee Khatarta iyo Ka-hortagga Masiibooyinka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku barakacay Gobolka Axmaarada ay gaadhay 1.4 milyan, kadib markii dagaal xooggan halkaas ka dhacay.

Afhayeenka Ra’iisal-wasaaraha, ayaa bayaan ay soo saartay toddobaadkii hore ku sheegtay in tirada dadka gudaha ku barakacay ay dhan tahay 1.1 milyan.

“Waxa jira warar sheegaya in kooxda TPLF ay xasuuq u geysteen shacabka ku dhaqan Gashena iyo Woqooyiga Shoa,” ayuu tidhi afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya .

Waxay intaa ku dartay in marka laga yimaad dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan ay koox baadhitaan ku sameyneyso tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ay xog ururin ka wadaan degaannadaasi.

Sidoo kale, wasiiru dawlaha Wasaaradda isgaadhsiinta dawladda Selamwit Kassa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay ku sheegtay in dambiyo gaysteen kooxda TPLF.

Wasiiru dawlaha ayaa sheegtay in ay jiraan warar sheegaya in boqollaal qof oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay Gashena iyo Woqooyiga Shoa Antioch.

Waxay intaa ku dartay in dawladda federaalka ay 28,000 metric ton oo cunto ah u qoondeysay 2 milyan oo qof oo ku nool Woqooyiga Wollo, Koonfurta Wollo iyo Woqooyiga Shoa.