Ciidammada Somaliland oo gacanta ku dhigay Rag ajnebi oo samaynayey lacag been-abuur ah

Hargeysa -(Berberanews)-Ciidammada ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku dhigay rag ajnebi ah oo ku hawlanaa samaynta lacago doollar been-abuur ah.
Taliyaha Ciidammada Laanta Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland jeneral Maxamed Cisman Caalin (Dayib) oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in ciidankiisu gacanta ku dhigeen 3 nin oo u dhashay dalka Nigeria, kadib baadhis iyo dadaal badan oo ciidanku sameeyeen.
“Ragga halka taagan oo tiradoodu saddex tahay, eedda halkan loo keenay waxa weeye qalabka aad halkaa ku arkaysaan, waa qalabka lagu sameeyo lacagaha. Dadaal badan iyo tamar badan ayey ku suurtogashay in eedaysanayaashaasi soo galaan gacanta ciidanka socdaalka,” ayuu yidhi Jeneral Dayib.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanku ku guulaysteen qabashada nimankan, kadib xog iyo wada shaqayn ay ka heleen bulshada.

“Habeen saddexaadkii, goor habeen badhkii ah ayey ciidanku saddexda nin mid walba goob goonni ah ka soo qabteen, waxana jira dad muwaaddiniin ah oo hawshaas nooga xogogaalsanaa oo nagala shaqeeyay,” ayuu yidhi Caalin.
Dhowr bilood ka hor uun bay ahayd markii ay ciidanka laanta socdaalku sidan oo kale u soo bandhigeen rag ka soo jeeda dalalka Nigeria iyo Tanzania oo samaynayay lacagta dollarka iyo shillinka Somaliland oo been abuur ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com