Awdal: Qaxootigii ugu horreeyey ee ka cararay dagaallada Itoobiya oo soo gaadhay Somaliland

Booramo -(Berberanews)-Qaxoonti tiro badan oo ka soo barakacay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay soo gaadhay magaalada Boorama, xarunta Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland horraantii toddobaadkan.
Boqollaal qof oo ka qaxay dagaalka u dhexeeya dawladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo Jabhadda TPLF, ayaa daadsan suuqayada iyo gidaarrada magaalada Boorama.
Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Boorama ayaa ka hadlay arrintaas, waxaanay sheegaan inay teegeero buuxda siinayaan, isla markaana  taageersan yihiin dawladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta jabhadda TPLF.
“Taageero buuxda ayaan siinaynaa Abiy Ahmed, Alle haku guuleeyo ayaannu leenahay dagaalka, cid walibana wey ka baqaysay inay malyuumaadka reer Itoobiya inay qaxoonti noqdaan. Waxaannu leenahay taageero buuxda ayaannu ku siinaynaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Xaddi Baade oo ka md ah madax-dhaqameedka Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray, “Nabadda Itoobiya waa nabadeenna beelaayada Itoobiya ka dhacdaana cidda u horreysa ee ay afka ku qaadanaysaa waa innaga.”
Suldaan Baade, ayaa sheegay in qaxoonti ka soo qaxay dagaalka Itoobiya ay soo gaadheen magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
“Qaxoontigii ayaa na soo gaadhay durba magaalo yar oo Boorama la yidhaah ayaan joognaa durba ay ardaa walba horfadhiyaan.”
“Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa in uu ku guulaystay Abiy Ahmed dagaalka waannu ku guulaysanayaa waa nin dhallinyaro ah oo nin door ah wakaas u baxay ee alle haku guulleeyo dagaalka. Annagu itoobiyada weyn ayaannu la dan nahay, maaddaama aannu nahay Gobolka ugu xiga Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inuu ku guulaysto Abiy Ahmed oo uu masiibadii dib innooga celiyo, isaga iyo Madaxweynaha Kililka waan teegarsanay waa isku mawqif.“ Sidaana wax yidhi mid ka mid ah madaxdhaqameedka reer Awdal.
Sidoo kale, Suldaan Dhawal oo isna halkaas ayaa yidhi; “Arrinka dagaalka Itoobiya ka socda waan ka xumahay marka hore. Mid habboon muu ahayn, laakiin waxaannu caddaynaynaa in aanu taageersannay Itoobiyada weyn oo aannu rejaynayno in ay arrintaas dagaalka ay ku guulaysato.”
Suldaan Dhawal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaxoontigii ka soo qaxay dagaalka Itoobiya ay gaadheen magaalada Boorama.
“Halkan maanta waxa na haysta qoxoontigii shawa iyo dhulkaa ka soo qaxay sida ay u joogaan iyo dhibaatada haysa waad arkaysaan. Aniga culays badan ayaa nama saarna ee wuxuu saaran yahay Somaliland dhulka aan ka degno, wuxuu saaran yahay killalka dhulka aan ka degno.”
Waxaa uu sheegay Suldaan Dhawal inuu taageersan yahay oo ku faraxsan yahay in dib loo riixo ciidanka jabhadda TPLF.
“Waxaan leeyahay noqodkaa la celiyey nimankaa burburka dalka u horseedayey waa kii ku habboonaa waan ku bogaadinaynaa dawladda itoobiya iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed,” ayuu yidhi Suldaan Dhawal.

Berberanews.com
Info@berberanews.com