Xoghayaha WADDANI oo si adag u dhaliilay Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-“Waxa maanta yaqyaqsi ah in Wasaaraddeenna Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyaddu ku faanto in ay horumarka teknoolajiga ka shaqaynayso iyada oo aynu la soconno in afartii sano ee Madaxweyne Muuse xilka hayay wasaaraddu cunaha haysay shirkaddihii ka shaqayn lahaa horumarka tiknoolajiga ee Somaliland ugu waaweyna ee ay ka mid yihiin Dahabshiil iyo Telesom.
Waxa aynu la socona in sannadkii hore Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland kaabis iyo wax ka beddel ku sameeyey xeer/50/2011 oo madaxweynuhuna saxeexay, xeerkaas oo ogolaanayay in shirkadaha isgaadhsiintu keeni karaan xadhkaha Internet-ka ee badda hoosteeda mara, waxaanan la soconnaa in aan ilaa maanta la siin shirkadahaas liisankii ay ku keeni lahaayeen xadhkaha Internet-ka ee badda hoosteeda mara oo loo diiddan yahay.
Waxa iswaydiin mudan mee ballanqaadkii Madaxweynuhu ololaha ku galay ee ahaa sarraynta sharciga, maxaase loogu diiddan yahay shirkadahaas muwaaddiniinta ah ee dalka maalgashiga geliyay ee shaqo abuurka dalka qaybta ugu weyn ka qaata?” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.

Berberanews.com
Info@berberanews.com