Xildhibaan soo jeediyey in tallaabo sharci laga qaado ganacsatada roodhida

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Cabdiqani Maxamed Aadan Cali, guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyay in maxkamadd la soo taago nimanka Roodhida ee isu’dhaarsaday shacabka.

Xildhibaanku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Maanta arrintani tusbax furtay ayay noqonaysaa, burrito ganacsato wax kale soo dejisa ayaa is dhaarsan, saha danbe kuwa kale ayaa is dhaarsan, marka waxaan leeyahay nimanka ganacsatada ee waxaas sameeyay baraha bulshadana mariyay, waa in tallaabo sharciya laga qaado waa in la soo xidho, waa in maxkamad la horkeeno, waa in wasiirka ganacsigu arrintaasi aanu dhayalsan ee sida ugu dhaqsaha badan nimankaasi loo soo xidho, haddii kale Somaliland waxa ay noqonaysa ganacsiga cidkastaba sidii ay doonto ka yeesho.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com