Xildh. Barkhad Batuun: “Wasiirka Ganacsiga haloo yeedho oo xilka ha laga qaado”

Hargeysa – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u soo jeediyey golohooda inuu u yeedho Wasiirka Ganacsiga, si wax looga weydiiyo xubno ganacsato ah oo baraha bulshada ka soo muuqday iyaga oo ku dhaaranaya in ay kordhinayaan qiimaha lagu iibiyo roodhida.
Xildhibaan Barkhad oo sidoo kalena ah Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa sheegay in ganacsatadu isku dhaarsadeen in ay shacabka cuna qabateeyaan, isla markaana Golaha Wakiilladu yihiin cidda u dhaaratay ilaalinta iyo badbaadinta bulshada Somaliland.
“Xalay TV-yada waxaynnu ka arkaynay niman ganacsato ah oo kitaab gacanta isku saaraya sidii ay shacabka u cuna qabatayn lahaayeen, waxayna isku dhaarsanayaan inay maciishadda kiciyaan. Waxay isku dhaarsanayaan in ay furinka (roodhida) shacabka ku qaaliyeeyaan iyo dembi ay ka galeen shacabka Somaliland, cidda u dhaaratayna waa innaga,” ayuu yidhi Md. Batuun.
Waxa kaloo xildhibaan Barkhad uu ka codsaday Golaha Wakiillada ee uu ka tirsan yahay in loo yeedho Wasiirka Ganacsiga, si wax looga weydiiyo sababta uu tallaabo uga qaadi waayey ganacsatada isku dhaarsaday sicir-bararka, haddii guul laga gaadhi waayana wasiirka xilka laga qaado.

“Waxa masuuliyaddaa gabay waa xukuumadda, waa Wasiirka Ganacsiga, markaa waa in Guddida Joogtada ah wasiirka u yeedhaan. Haddii ay dhici waydo waa in goluhu soo gole joojiyo oo masuuliyad darradiisa xilka looga qaado,” ayuu yidhi xildhibaan Batuun.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyey xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Biixi masuuliyadda sicir-bararka dalka ka jira.