Wasiirka Hawlaha Guud oo aaminsan in dowladdu waajibkeedii gudatay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa aaminsan in dowladddu kasoo baxday waajibkii ka saarnaa ummadda Somaliland.

Wasiir Cabdillaahi Abokor, wuxuu sheegay inaanu jirin mushahar ciidan oo hal bil dub u dhacay, islamarkaana dowladdu jaangoysay sixirka sarrifka lacagta.

“Hal bil maydaan maqal mushaharaad ayaa dib u dhacay oo mushaharkii ciidanka ee Somaliland ayaa la waayey, kii shaqaalaha ayaa la waayey. 8,500 SLSH ayuu weli qiimihii sarrifku taagan yahay iyadoo aynu ognahay sicir-bararka dunida ka dhacay ee COVID-19 sababay. Boqolkiiba shan ayaa  jecleyd in lacagta yar ee masaakiinta laga soo ururiyo in iyaga jeebadaha loogu guro, waxaannu noloshooda rasmiga taabanayaa boqolkiiba shan iyo sagaashan, waxaanan ku niyadsannahay in aannu ka soo baxnay waajibkii aannu ummadda u qaadnay.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com