TPLF: “Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa duqeymo ku waxyeelleeyey dad ra’yid ah”

Hoggaamiyaha TPLF oo hanjabaad cusub u diray Dawladda Itoobiya

Maqalle – Afhayeen TPLF Getache Reda, ayaa qoraal uu bartiisa Faceebook soo dhigay maanta ku sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ay xalay duqeymo ka geysteen magaalada Maqalle.
Afhayeenka TPLF, ayaa sheegay in duqaymaha ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dad rayad ah waxyeelloobeen.
Waxa uu intaas ku daray, duqeyta diyaaradaha drone-ka iney iyagu caadi u tahay daqiiqado ka hor lafteeda ay kor heehaabayeen.
Dagaalka woqooyiga dalka Itoobiya ka bilowday 13 bilood ka hor ayaan weli u muuqan mid xal waara laga gaadhay.
Geesta kale, hogaamiyaha fallaagada TPLF Mr. Debresion Gabre Mikael, ayaa ku hanjabay inay halgankooda sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan wax uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.
Telefishinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha Tigray Mr Dabresion Gabre-Mikael.
Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidanka TPLF inay ciidammada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonaan, ayna guulo wax ku ool ah ka soo hoyn doonaan.
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in malleeshiyaad ka tirsan TPLF, OLA iyo BPLF oo damcay iney xadka Sudan ka tallaabaan ay ciidammadooda qalabka sida ka hortageen.
Taliyaha booliska degaanka Benishaangul, ayaa sidoo kale sheegay in xoogagga jabhaduhu ay si wadajir ah uga hortagaan ciidammada federaalka oo kaashanaya kuwa degaanka Benishangul.
Labadii bilood ee ugu dambeeyey fallaagada TPLF guulo tira badan ayey dagaalka ka soo hooyeen, iyaga oo dhul badanna qabsaday.
Hase yeeshee, labadii toddobaad ee u dambeeyey ciidammada Itoobiya oo uu hoggaaminayey Abiy Axmed ayaa la wareegay degaanno badan.