Reer Galbeedka isticmaalaya Tigreega oo jabay iyo cadowgu inagu dhexbeeray oo baxsad ah

Maqaalkan oo ah mid aad u kooban waxaan xasuusin iyo u bidhaamin yar uugu soo gudbinayaa dadka leh aqliga ee wax garadka ah oo kaliya.waxaan ognahay in qaarada afrika ay leeyihiin dadka madoow oo ah laba qabiilo kushitig iyo bantuu,waxaase jira dhawr dal oo ay dad carbeed dageen sida masar liibiya tuunisiya  iyo marooko oo laga dhigay laba dal kadib markii laga jaray aljeeriya oo hada dal ah. kolkaa qarada dadkaa madaw ayaa iskaleh oo allaha raxmaanka ahi siiyay. waa qaarad hodan ah. gumaysiga cadaanka ah ee reer yurub ayaa mudo dheer haystay qaarada oo dadkeediina u yeelay xuduud uu kukala ilaaliyo qaybiyo si uu u xukumo una helo fursad uu ku dhaco nicmada eebe siiyay afrikada madaw. Gumaysigu wuxuu aamin sanyahay kala qaybi dadka afrika maxaayeelay dadka oo lakala qaybiyo waxaa yaraada awooda dadkaas taasoo sahlaysa in laxukumo ileen awood wada jirtaa majirtee.

in afrika laba dal oo kamid ah wax kalaba daayoo israacaan ama yeeshaan xiriir dhexdooda ah oo ganaacsi iyo wax wada qabsi iyo is fahan ahi dhexmaro marnaba mayeelayaan reer yurub ama reer galbeedku. waxaase cajab ah iyo layaab in wadamadii qarada yurub ee cadaanku ay noqanayaan ama yihiin hal dal oo midoobeen!  isagu waa midoobayaa ana waa ii diidayaa in aan walaalkay lamidoobo!.

Isticmaarku qarada wuxuu ka baxay 1960 oo afrika badankeedu xorowday. laakiin wuxuu inooga tagay rag isaga inta badan taabacsan sidaa daraadeed qaradu si rasmi ah uma xoroobin waxaana laga ilaaliyay wadani in uu usoo baxo dadkana la hormariyo.wuxuu abuurtay dad afrikaan ah oo madaw oo ninkaa gumaysti ee reer yurub iyo maraykan aamin san. hadaan intaa ka gudbo.

Tigree waa qawmiyad kamid ah qawmiyadaha dagan ethiopia waa dad ethiopian ah. waxaa dhismay jabhad labaxday TPLF oo ay taakuleeyaan reer galbeedku. waxay qabsadeen dalka ethiopia oo ay xukumaayeen mudo ku dhaw 30 sanadood. maskaxda ama dad yaroo ah jabhada tplf ayaa waxaa toos u haysta isticmaarka reer yurub iyo maraykanka,hadaba maxay aamin sanyihiin hogaamiyayaasa jabhadaasi? waxay aamin sanyihiin in ethiopia ay kala qaybiyaan ka dhigaan qabiilooyin ama dawlado yar yar kuwaas oo ay xukumaan,haday mudo dheer joogaan xukunkana ay ka go aan ethiopia inteeda kale. markaa ma aamin sana wada jir ehtiopia ah mabdi iyanba. waxaa taa ku raacsan reer yurub iyo masar iyo sucuudiga oo daliil u ah reer galbeedka danahooda. masar waxay u shaqaysaa danaha yuhuuda iyo maraykanka oo ah in aan ehtiopia kabixin faqriga iyo gaajada oo aysan isticmaalin kana faa iidaysan wabiga niil. markaa waxay u adeegsataa soomaalida iyo suudaan.

Tigree iyo masar iyo reer galbeed waxay ku guulaysteen kala qaybinta ethiopia,waxay tigree xasuuqeen malaayiin qawmiyadaha ehtiopia ah oo soomaalidu ku jirto majirto reer galbeed dhaleeceeyay xasuuqaas ay waday tigree 30 sanadood. waxay kala qaybiyeen suudaan heer ay kala gooyaan dalka suudaan oo ka dhigaan juba dal gaar ah waxayna la shaqeeyeen masar iyo reer galbeedka kala goyntii suudaan. waxay fadaraal qabiilaysan ka dhigeen soomaaliya iyagoo xasuuqay kumanyaalo soomaali ah mogdisho iyo guud ahaan soomaaliya oo dhanba. ma arki karaan wada jir iyo midnimo waxayna u aqoon sadeen markay sameeyeen kadib soomaaliya 6 madaxweyne oo mid walba roog guduudan u dhigaan adis-ababa una qaabila sidii madaxweyne dawladeed. hadaba dadka tigreegu mawada xuma waa shaqsiyaadka jabhada hogaamiya ee tplf. hadaba ragaa yaroo fara ku tiriska ahi waxaa maxkaxdooda hantay oo dagay gumaysiga reer galbeed waxayna helaan oo ay haystaan biljanis doolars ah dadkii tigreeguna gaaja dishay. waa niman iimaanka beelay oo daba dhilif ah oo cadaw ku ah jiritaanka ethiopia soomaaliya iyo afrika oo dhan. waa sun halis ku ah afrika. waxaa inoo isticmaalya gumaystaha.

Ogaada hadaba in dalkeena soomaaliya ay jiraan dad la nooc ah qaab fikireedka tigreega oo jecel gumaystaha una ah daba dhilif,waxay neceb yihiin qabka soomaaliyeed wada jirka soomaaliyeed iyo dawladnimada soomaaliyeed ma rabaan soomaali midoowda walaalo ah shisheeyaha iska celisa marabaan! waxayna jecelyihiin in dalku beelo iyo qabiilo ukala qaybsanaado oo aan lahelin dawlad dhexe oo xoogleh oo dadkeena iyo diinteena iyo dalkeenaba difaacdaa dhalan waligeed. waxayjecel yihiin in iyagu helaan maalaayiin doolar dadka intiisa kalana gaajoodaan. 

Dadka soomaaliyeed ha baraarugo hayska qabtaan cadawga lagu dhexbeertay ee shisheeyaha taageersan. cadawga gudaha oo dan sifayn iskama celin kartid kan dibada. waa in lasuuliyaa cidkastoo in yar u janjeersatay cadawga soomaaliyeed xagiisa. hadii reer galbeed ehiopia iyo tigree waxtarayaan maxay tareen is waydii nus qarni tigree haystay ethiopia? mahaday wax tarayaan haday xukunka ka tuuraan oromo oo u dhiiban tigree? waxa socdaa ah reer galbeed carab kaa shanaaya oo diidan in ehtiopia iyo soomaaliya iyo jabuuti iyo eratariya isla jaan qaadaan oo dhaqaalaha  geeska afrika dhisaan kadibna dadkoodu noolaado iyagoo hormood u noqon doona qarada afrika ee hodanka ah. markaa dagaal dhaqaale weeye oo gumaysi waxa socdaa waxaana albaabka ay ka soogaleen u furay tigree nasiib daro. hadii dagaalkan laga adkaado dawlada dhexe ee ethiopia oo tigree guulaysto waxaa afrika ay galaysaa gumaysi cusub oo hor istaaga waxay ku taamaysay oo ah hormar ay la qabsato shiinaha guud ahaanba. hadii dawlada ethiopia ka adkaato tigreega macnuhu waxaa weeye afrika way xoroowday dhaqaale ahaan reer galbeedna waa jabay.

afrika ayaa aad ula dhacsan shiinaha turkiga iyo ruushka balse reer galbeed dhimashuu ka xigaa afrika oo xorowda. waxaan qabaa in aan xaq u leenahay hadaanahay afrika iyo bariga afrika gaar ahaan in aan yeelano xiriir dhaqaale iyo iskaashi wax wada qabsi oo aan helo nabad iyo nolol. dal afrikaan ah dalkale oo afrikaan ah waxba kama iibsankaro xaqmaha. ha midoobina xaqmaha, in dalkayaga siyaasadiisa la faro galiyaa oo nala handadaa xaqmaha.

XASUUSNAADA SOOMAALIYEEY

TPLF Jabhadii horarka ahayd ee haysatay ehtiopia30 sanadood, waxay dalkeena ka abuureen kooxo afka duubta oo gumaada shacabka soomaaliyeed ahna dawlad diid. tirgree ka hor majirin afduub. iyagoo lashaqaynaaya markanka iyo xulafadiisa carbeed lacagta iyo tababarka shabaabka waxaa loo soomarinaayay  tigreega! dhanka kalana maraykan iyo reer galbeed iyo carab waxay ka qaateen mashruuc ah argagixiso la dirir. dhan walbay inoo dileen. si ay mashaaruucooda siyaaso u hirgaliyaan ugana fuliyaan soomaaliya waxay sameeyeen  madax kala qoqoban oo iyaga hoostaga hawshana u wada kasocota soomaaliya. madaxweyne goboleed kastana adis-ayay uugu yeeran jireen.

waxaad ogtihiin wax kabadalan dhaqanka dawladnimada iyo siyaasada in dalkeena uu hada ka socdo wali oo ah niman labaxay midawga musharixiinta oo gaara,waxa jra dad badan oo soomaaliyeed oo raba una sharaxan madaxweyne soomaaliyeed,laakiin iyagaa isu arka oo kaliya in musharaxnimo mudan yihiin. qof soomaali ah muwaadin ah in uu is sharaxo haduu soobuuxiyo shuruuda xaqbuu u leeyahay haduu doonana in uusan is sharixin xaqbuu u leeyahay, wuxu khasab maha waa qof naftiisa iyo damiciisa udoonta masuuliyadaas. hadaba nimankaan is uruur saday ee xaynta ah ee isda yaacayaa maha fikir iyo doonis kursi waxa wadaa ee isu keenay,waxa wadaa ah Tigreegii jabay oo iyaga sameeyay isagoo quudaraynaaya in ay qabsadaan awooda soomaaliya si loogu sii shaqaysto sidii shalay soomaaliyana aanay helin dawlad shaqaysa.

waa koox tigreegu samaystay oo ingiriis iyo emaraatka iyo kenaya wadaan. hada tigree jab iyaguna masii jirayaan tigreegaa dhamaystiraaya iyaga waa cadaan taasi maadaama waji kale yeeshay tigree hada. ninkii dalkiisa khaa imaa meel xunbuu ku danbayn. soomaaliya ha difaacato dalkeeda iyo dawlad nimadeeda. gaba gabadii kuwii badeenii gatay iyo kuwii siyaasada ku soo fashilmay oo dhacay hantidii dalkaan,ayaa maanta ina hortaagan maxaayeelay waxay ogyihiin in shacabka soomaaliyeed aamin sanayn sharciga iyo dawlad nimada inbadan oo kamid ahi sidaa daraadeed yaa qabsan kara oo a hadli kara waa reer hebel ee!! wadana hormar ma gaaro ilaa uu sharciga mariyo khaainu wadanka

WQ Yuusuf omer