Hargeysa: Ciidanka oo xabsiga dhigay ganacsato isku Dhaarsaday inay kordhiyaan qiimaha roodhida

Hargeysa  -(Berberanees)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah masuuliyiinta wershadaha roodhida laydhka sameeya oo iska soo duubay muuqaal ay isku dhaarsadeen in la kordhiyo qiimaha roodhida maanta.

Tallaabada ganacsatada roodhileyaashu kor ugu qaadeen qiimaha roodhida iyo qaabka ay u mareen, ayaa aad uga qayliyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyaga oo qaarkood ku baaqay in aan la iibsadan roodhida wershaduhu sameeyaan.