Ciidammada Itoobiya oo dib uga qabsaday TPLF magaalooyin istiraatiiji ah

ADDIS ABABA—(Berberanews)- Ciidammada dawladda Itoobiya, ayaa dib ula wareegay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo ay gacanta ku hayeen jabhadda Tigreega.
Sida dawladda Itoobiya sheegtay Isniintii shalay qabsashada magaalooyinkan istiraatiijiga ah oo dhaca Gobolka Axmaarada, ayaa lagu tilmaamay inay tahay calaamaddii ugu dambaysay ee ciidammada dawladdu dib ugu qabsanaysaan degaanno badan oo ay dhowaan lumiyeen kooxaha fallaagada.
Xoogagga taabacsan jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan Gobolka Axmaarada bil uun ka hor.
Afhayeenka kooxda TPLF,  Getachew Reda ayaan weli ka jawaabin hadalka dawladda.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in warbaahinta dawladdu ay ku dhawaaqay guushan, taas oo ah dhiirrigelintii ugu dambeysay ee xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Ciidammada Federaalka Itoobiya iyo xulafadooda gobolka ayaa toddobaadkii hore dib u qabsaday magaalada Lalibela oo hay’adda Qarammada Midoobay ee UNESCO u aqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidammada Tigreega.
Berberanews.com
Info@berberanews.com