Afhayeenka TPLF oo sheegay inay ka baxeen Kombolcha, Dessie iyo Shawa

Ethiopia-(Berberanews)-Afhayeenka Jabhadda TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay inay ka baxaan magaooyinka Komolcha, Dessie iyo waqooyiga Shoa, taasoo uu ku sheegay inay qayb ka tahay qorshahooda dagaal.

Getachew Reda, ayaa goor dhawayd ku baahiyay bartiisa twitterka.
“Waxaan ka tagnay #Woqooyiga Shoa, #Kombolcha & #Dessie, taasoo qayb ka ah qorshahayaga.  Ma jirin unug abaabulan oo magaalooyinkaas naga saaray, dadka degaankuna waa yaqaaniin iyo Janaraal Abiy ayaa og.  Arrimuhu waxay ku socdaan sidii qorshahayagu ahaa.  Inta soo hadhay waa wareeg kaliya.
Sida aan had iyo jeer nidhaa #Tigray ha guuleysato!”

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa hadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Berberanews.com
Berberanews.com