Somaliland: Shirguddoonka Wakiillada oo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda u Gudbiyey Sharciyaqaannada

Hargeysa -(Berberanews)- Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda Xeer 14 ee Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey loo gudbiyey garyaqaannada Golaha, si ay talo sharci uga soo bixiyaan, dibna ugu soo celiyaan Goleweynaha.


Fadhiga Golaha Wakiillada, ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey maanta ajandaha fal-fadhigooda labaad oo si rasmi ah u furmay shalay.