Israel oo muujisay walaaca ay ka qabto Nuclearka Iran

Vienna-(Berberanews)-Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa ku booriyay quwadaha adduunka in ay mawqif adag ka qaataan Iran wada xaajoodyada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka.

Israa’iil ayaa si walaac leh u daawanaysay iyadoo quwadaha adduunka ay Iran wada fadhiyaan Vienna iyagoo rajeynaya in dib loo soo celiyo heshiiskii burburay ee 2015.

Toddobaadkii hore, Iran waxay soo saartay go’aan adag iyadoo wadahadaladu ay dib u bilowdeen, iyagoo soo jeediyay wax walba oo looga hadlay wareegyadii hore ee diblomaasiyadda in dib looga wadahadli karo.

Horumarka Iran ee sii socota ee barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa sare u qaaday walaaca.
“Waxaan ugu baaqayaa waddan kasta oo Iran kala xaajoonaya Vienna in ay qaataan go’aan adag oo ay u caddeeyaan Iran in aanay kobcin karin uraniumka oo aanay dhanka kalena wada xaajoodaan,”

Bennett ayaa u sheegay golihiisa Wasiirrada u sheegay axaddii.”Iran waa inay u diyaargarowdaa inay bixiso qiime kasta oo kasoo gaadha xaalad abuurkeeda.”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya qarax aan la sheegin khasaaraha ka dhashay oo laga maqlay Xarunta Nuclearka Iran ee Isfahan.