“Haddii cid la xidhayo waxa fiicnad sallaadiinta” Faysal C. Waraabe

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, meel ka dhac xorriyadeed ki tilmaamay xadhiga jilaaga da’da yar ee Idiris Ilig (Sayidka Barakaysan) oo booliska Somaliland xidheen.

Faysal ayaa sheegay in xoriyatul qowlku kamid yahay waxyaabaha  ay Somaliland dunida ka iibiso, haddii cid la xidhayona ay ahayd in la xidho sallaadiinta qabyaallada ku shaqaysta.

“Xadhiga lagu xidhay dhalinyaradii sheekadii qosolka ahayd samaysay, ee matalaysay dowlad aan waxba qaban, waxyaabaha aynu iibino waxa kamid ah doorashooyinka, nabada iyo xoriyatul qowlka, hadii cid la xidhayo waxa fiicnayd in la xidho kuwa qabyaalada ku hadlaya, ee salaadiinta sheeganaya” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu sii daayo Sayidka Barakaysan iyo dhalinyarada riwaayada kula jirtay oo la sheegayo in ay iyaguna xidhanyihiin, isagoo sheegay in xadhigoodu uu dastuurka baalmarsanyahay.

“Inamo yar yar oo riwaayad sameeyay marka la yidhaa waala xidhay, xoriyatul qowlkii ayaa meel lagaga dhacay, dastuur keenuna wuu kasoo horjeedaa, madaxweynaha waxan ka codsanaya in dhalinyarada lasoo daayo, xadhiga aan loo aabo yeelayna la joojiyo” ayuu yidhi Faysal.

Idiris Ilig oo loo yaqaan Sayidka Barakaysan, ayaa la xidhay kadib markii uu jilay riwaayad tilmaamaysa wax qabad la’aan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com