Gudd. Wakiillada Somaliland oo lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay madaxnimada iyo maamuuska dawladnimo

Hargeysa-(Berberanews)- Afhayeenka xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni,  ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed inuu kala qaybiyey xildhibaannada golaha iyo in uu meel kaga dhacay hab-maamuuska madaxda dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeen Buuni oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga ee magaalada Hargaysa, waxa uu ku dhaliilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inuu isagoo masuul sare oo huwan mansab weyn oo qaran oo ka qaybgalay casuumad beeleed, kuna tiraabay hadallo aan munaasib ku ahayn xilka iyo masuuliyadda uu qaranka u hayo.

“Guddoomiye, waxaad ku tallaabsatay qaybin golahahaagii Wakiillada, qarannimada Somaliland ayaad meel kaga dhacday oo waxaad ka qaybgashay munaasibad qado ah oo bulsho ka mid ah Somaliland lahayd. Waxaad halkaas ka sheegtay in dadkii ugu badnaa ee ku doortay ay iyaga ahaayeen. Waxa ayaan-darro ah in golihii ku wada doortay aad qaybtii ku dooratayna sii qaybisay,” ayuu yidhi Buuni.

Afhayeenka KULMIYE waxa uu ku eedeeyey Guddoomiye Khaliif in aannu u dhaqmayn sidii masuul haya jagada saddexaad ee Somaliland ugu awoodda weyn, isagoo ku dooday in laga filayay inuu hoggaaminta ka barto madaxda hay’adaha kale, sida sharci dajinta iyo Golaha Guurtida.

Berberanews.com
Info@berberanews.com