Taliska Booliska Somalia oo gacanta ku dhigay askar shacab dishay

Muqdisho-(Berberanews)-Taliska Ciidammda Booliiska Somaliya ayaa daboolka ka qaaday inay gacanta ku soo dhigaan askartii dishay laba marxuum oo walaalo ah oo la kala odhan jiray,  Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo lagu dilay Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliiska, ayaa lagu sheegay, in eedaysaneyaasha kiiskan oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ay hadda ku jiraan gacanta Dowladda.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen. Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu har iyo habeen u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa shacabka ka codsanaynaa in ay si dhow u la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Ciidanka Booliiska Somalia.

Berberanews.com
Info@berberanews.com