Madaxweyne Xigeenka S/land oo Hindiya kula kulmay masuulliyiinta dalkaas

India-(Berberanews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga dalka Hindiya, ayaa kulamo la yeeshau masuulliyiin ka tirsan dalkaas oo ay ka wada hadleen iskaashi iyo wax wada qabsi.

Mr. Saylici oo booqasho ku tegay Gobollada Tamilnadu iyo Bangalore, waxaa ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada, waxbarashada, Beeraha iyo masuulliyin dowladda ka tirsan.

Md. Saylici oo bartiisa Facebook ku faahfaahiyay kulammada uu la yeeshay masuulliyiinta Hindia, ayaa sharraxaad ka bixiyay sidii loo soo dhaweeyay iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.
“Aniga iyo weftiga aan hogaminayay ayaa gaadhay Gobolka Tamilnadu ee Dalka Hindiya. waxa halkaa nagu soo dhaweeyay Waasiirka tacliinta isagoo xafiiskiisana nagu qaabilay.

Kulan ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Tacliinta sare ee dalka Hindiya ayaa kaga wada hadalnay sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen horumarinta tacliinta.

Sidoo Kale waxa guul ku dhammaaday kulamadii Gobolka Bangalore ee aanu labada maalmood joognay kuwaaso aanu isla af-garanay sidii ay Somaliland ugu caawin lahaayeen dhanka caafimaadka. Dhinaca kale todobadkan intaanu kusii suganahay India waxa kulamo kale la qaadan donaa xubno kale oo miisan leh kuwaaso qayb ka ah iskaashiga iyo horumarinta labada dawladood ee dhinacyada maalgashiga, Horumarinta Cafimaadka iyo waxbarashada labada dal.” Ayuu yidhi Saylici.
Md. Saylici oo faahfaahinaya kullamada iyo masuulliin ku so dhaweeyay Gobolada Karnakata iyo Tamilnadu, ayaa yidhi, “Safar aanu todobaadkan ku joognay dalka india waxa aanu kulamo kala duwan la qaadanay Wasiirada Gobolada Karnakata iyo Tamilnadu ugu horayntii waxanu kulan la qadanay Wasiirka Wasaarada Warshadaha ee Dawladda Karnataka Murugesh N Nirani waxa uu noo shegay  aad ugu faraxsan yahay la kulanka weftiga Ka Socda Somaliland, waxaa aanu ka Wada hadalnay Wasiirka  fursadaha Maalgashi Ee Gobolka Karnataka, Geesta Kale waxa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyey fursadaha Ka jira Somaliland, Iyadoo aan  guudoonsiyey Maclumaad Ku saabsan Fursadaha Maalgashii ee ka Jira Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulan muhiim ah wada yeelanay wasiirka Beeraha dawlada Karnataka waxa aanu isagana ka wada hadalnay iskaashiyo kala duwan oo dhex mari kara Dawlada Jamhuriyada Somaliland iyo dawlada Karnataka, iyo  dalka india. Sidoo kle waxa aanu kulano muhiim ah la qaadanay Tink Tank ga ugu wayn ee haga siyaasadda Raysalwasaraha India iyo Xisbiga Talada haya BJP. Waxa aanu kala hadalnay Qadiyada madaxbaanida Jamhuriyada Somaliland.” Sidaa yidhi Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ku sugan Waddanka Hindiya ayaa saxeexay maalgashi Cisbitaal weyn oo shirkadda Laga leeyahay Hindiya ka dhisayso Somaliland.

Cisbitaalka ayay lagu dhisayaa qiimo dhan 100 million oo Dollar sida TV-ga Qaranka Somaliland qoray.

Berberanews.com
Info@berberanews.com