Ma isku day dil buu ka badbaaday Erdogan?

Turkey-(Berberanews)-Booliska Turkiga ayaa gaadho hoostiisa ka helay walxaha qarxa oo uu lahaa sarkaal booliis ah oo la rabay in uu ku jiro shaqada isu soo baxa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay TRT Haber oo ay dowladdu maamusho.

Gaadhiga gaarka ah ee sarkaalka ayaa laga helay Mardin, oo ah gobolka koonfur bari oo 125 mayl (200 kiiloomitir) u jirta goobta isu soo baxa lagu qabtay ee Siirt, sida ay sheegtay warbaahinta.

Walxaha qarxa ayaa la helay ka hor inta aanu askariga booliisku u safrin Siirt, waxaana ka hortagay kooxaha bambooyinka.

Ma jiro wax faahfaahina oo dowladda Turkigu ka bixisay bambooyinka laga helay askari ka tirsan ciidammada Turkiga ee u xilsaarnaa ilaalinta ammaankiisu inuu yahay shirqool la doonayay in lagu dilo madaxweynaha dalkaas.

Berberanews.com
Info@berberanews.com