Golaha Wakiillada oo beeniyay inay dacwad u haystaan Cabdimaalik Coldoon

Hargeysa(Berberanews)-Golaha wakiilada Somaliland, ayaa beeniyay eedo loo haysto Coldoon oo la sheegay inay dhibane ka yihiin kiisaska loo haysto ee uu u xidhanyahay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa soo saaray qoraal rasmiya oo uu ku caddaynayo inaanay waxba ka jirin eed Goluhu u haysto Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo dhawr billood ah ku xidhan Jeelka.

Sidoo kale, Xildhibaanno ka tirsan golahaas oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay wax lug ah ku lahayn eedaha loo haysto Coldoon.

Xildhibaan Axmed Khaliif Jamac, ayaa warbaahinta u akhriyay warqad galaha kasoo baxday, isagoo sheegay in goluhu aanu wax lug ah ku lahay eedaha loo haysto Coldoon “Golohu wuxuu caddaynayaa in aanu dhinac ka ahayn, eedaha loo haysto maxbuuska, isla markaana aanu dhibane ka ahayn si xeerka waa faqsan”.

Sidookale, qaar kamid ah xildhibaannada, ayaa sheegay in xeer ilaalinta la waydiin doono, cida golaha ka been fariintay ee dacwadan u gudbisay.

“Shakhsiyad qaanuuni ah ayuu golahu leeyahay cida dacwadaa siisay waala waydiin oo golaha ayaa u yeedhi doona, waxan leeyahay Cabdimaalik Muuse Coldoon wixii uu sheegay wax burinaya wali xukuumada lagama hayo” waxa sida yidhi xildhibaan Maxamed Abiib

Berberanews.com
Info@berberanews.com