Ciidammada Dawladda Itoobiya oo magaalooyin cusub dib uga qabsaday TPLF

Addis Ababa -(Berberanews)- Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay iney magalooyin hor leh ka qabsadeen fallaagada TPLF,  kuwaas oo ku yaal degaanka Amxaarada oo ay dagaallada ugu badan ka dhacayeen bilihii la soo dhaafay.


War ka soo baxay taliska millatariga Itoobiya ayaa lagu xusay in ciidammada dawladdu dib ula wareegeen inta badan magaalooyinkii TPLF hore uga qabsadeen degaannada Gobolka Axmaarada.


Xooggaga TPLF ayaa iyaguna dhankooda sheegay  in magaalooyinka laga qabsaday qaarkood ay uga baxeen xeelad dagaal.
Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada ee Itoobiya, ayaa xidhay dhammaan dugsiyada sare ee dalkaas si ardaydu ay dadka beeraleyda ah ee ku maqan safka hore ee dagaalka TPLF uga caawiyaan goosashada dallagyada beeraha.

Berberanews.com
Info@berberanews.com