Somaliland oo Joojisay Dhammaan Mashaariicda Qarammada Midoobay ka Fuliyaan Dalkeeda

“Waxaannu guud ahaan joojinnay mashaariicda UN-ka ee wax u dhimaya madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland”
Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa -(Berberanees)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay joojisay dhammaan mashaariicdii hay’adaha Qarammada Midoobay ka fulin jireen dalkooda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shaaca qaaday in gebi ahaanba la joojiyey dhammaan wixii mashaariic ah ee hay’adaha Qarammada Midoobay ka fulin jireen dalkooda, kadib markii ay xukuumad ahaan u arkeen in mashaariicda UN-ka loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed oo liddi ku ah qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray, inay xukuumad ahaan mashaariicdan ka dareemeen in ay meel-ka-dhac ku yihiin masiirka ummadda iyo goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxaannu isweydiinnay ma waxaad qaadataan, wax madaxbannaanida dalkiinna iyo dadkiinna doonistooda waxyeelleeya oo ah mashaariic yaryar oo UN-ku bixiyaan, mise dadka madaxbannaanidoodii ayaad u ilaalisaan? Loona dhiman maayo mashaariicda UN-ku bixiyo. Sidaa darteed, waxaannu guud ahaan joojinnay mashaariicda UN-ka ee wax u dhimaya madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Koore oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.
Hase yeeshee, Wasiirku ma caddayn nooca ay yihiin mashaariicda Qarammada Midoobay ee ay joojiyeen iyo sida ay dhaawaca ugu yihiin madaxbannaanida Somaliland, balse waxa uu carrabka ku adkeeyey in ay jiraan mashaariic la siyaasadeeyey, sidaa darteedna go’aansadeen in la joojiyo.

Berberanews.com
Info@berberanews.com