Maalqabeen, Xilka Lagugu Leeyahay ma Gudataa?

Faallo: Xuseen Cali Nuur

Bulsho kasta oo dunida ku nool, qaybaheeda kala duwan waxa saaran waajibaad iyo xil gaar ah oo looga baahan yahay inay sida uu yahay u fuliyaan. Xilka saaran wuxuu ku xidhan yahay dhaqanka, degaanka, haynta, xirfadda iyo qaabka looga baahan yahay in loo fuliyo.
Maalqabeennadu waa udub-dhexaadka dhaqaale ee dal leeyahay. Waxa ku xidhan waddan kasta wax-soo-saarkiisa, horumarkiisa iyo daryeelka guud ee shacbiga.
Waxay noqon karaan sida ay xilkooda u gutaan mid la mahadiyo; oo if iyo aakhiro ay ku liibaanaan. Waxay noqon karaan qaar ifkana aan la mahadin dhaqankooda, aakhirana hantidoodu noqoto mid halaag aan kabasho lahayn ay ku iibsadeen.
Si loo ogaado maalqabeennadeennu inay yihiin kuwa faa’iido iyo ribix u gaar ah oo kaliya raadsada iyo inay yihiin kuwo naftooda, shacbiga iyo dalkooda ammaanada loo dhiibtay oo ILAAHAY iska leeyahay kuwa ugu faa’iideeya.
Haddaba, si aan arrimahan u kala ogaanno waxa loo baahan yahay inaynu wax isweydiinno:
Ma yihiin kuwa hantida ay gacanta ku hayaan  ee mood iyo noolba leh mid ay ugu dhawaanayaan ILAAHA weyn ee abuuray?
Ma yihiin qaar hantida iyo ammaanada ay hayaan shacbiga waxtar u leh oo ay dano guud ku qabtaan?
Ma yihiin kuwa u adeegsada daryeelka danyarta iyo masaakiinta? Gacan qabta walaalahooda baahidu u keento? Ma u roon yihiin oo si caddaalad  ah ma ula dhaqmaan dadka u shaqeeya?
Ficillada ay ku kacayaan ma yihiin kuwo adkaynaya midnimada iyo isku soo dhawaanshaha shacbiga, dhigooda iyo Xukuumadda? Ma yihiin qaar ilaashada in hantidoodu ahaato mid xalaal ah?
Maalqabeennadu ma waxay yihiin dad ahmiyadda weyn saara siday u ilaashan lahaayeen faa’iidada iyo ribixa oo kaliya xilli kasta, oo ay ka mid tahay xilliyada duruufaha adag la waajaho?
Ma u malaynaysaa inuu haba yaraatee qaab dhaqameedkoodu meel uun ka shabbaho Amiirul-muu’miniinkii saddexaad ee Cismaan Binu Cafaan, siduu uu u dhaqmay xili abaar adag la soo deristay muslimiinta?
Waqtigaas waxa gabaabsi ahaa raashinka. Waxa soo galay safar, waxana ka hortagay ganacsatadii oo dhan oo doonayey inay ka iibsadaan. Qiimaha ay ku iibsan lahaayeen waxay kordhiyeen toddoba jeer laab. Cismaan Binu Cafaan wuu diiday inuu kaga iibiyo qiimahaas aad u sareeya. Wuxuuna ka door biday, isagoo aan waxba kala hadhin in dadkii abaartu haysay uu u qaybiyo.
Ma filayo in maalqabeennada qarnigan 21-aad, oo ay ka mid yihiin maalqabeennadeennu sidan oo kale inay yeelaan. Hase ahaatee, waxaan leeyahay maxaa u diidi kara in hantidooda qayb yar oo ka mid ah abaaraha, ama sansaanta abaareed ee si is dabajoog ah Jamhuuriyadda Somaliland dhacaysa wax uga huraan.
Waxaan aaminsan nahay, hubaana in maalqabeennada dalku maaliyadda ay haystaan u adeegsan karaan tallaabooyinkii Nebi Yuusuf ku taliyey in lagu dhaqmo sidii looga badbaadi lahaa toddoba sannadood oo abaareed iyo sannad isuma yeedhaan ah oo ka dambeeyey toddoba sannadood oo barwaaqo ah.
Nebi Yuusuf CS wuxuu ku taliyey in dallagga toddobada sannadood ee barwaaqada in dhulka la beero. Inta ka soo go’da inta la quudanayo marka laga reebo loo keydiyo 8-da sanno ee abaarta ah, waana mid lagu guulaystay.
Waxaan leeyahay hantida dalka  oo ugu yaraan 70 illaa 80 boqolkiiba ay maalqabeennada dalku leeyihiin. Lacagtaas badankeedu waa u keyd oo baananka dalka, dibadda iyo khasnado u gaar ah ay ku jiraan.
Waxay ila tahay keydkan oo si cilmiyeysan oo kharashaysan loo adeegsadaa inay maalqabeennada uga faa’iido iyo khayr badnaan lahayd. Shacbigu wu6uu ka heli lahaa horumar iyo nolol wanaagsan.
Nebi Maxamed NNKHA wuxuu na baray inuu ILAAHAY ugu jecel yahay dadka ka ugu waxtar badan.
MAALQABEEN NOQO  KA XAQA  LAGU LEEYAHAY KA GUTA AMNAANADA, SI UU U LIIBAANO.