Ciidanka Somaliland oo digniin adag u diray ciidammo dagaal ka abaabulaya Buuhoodle

Buuhoodle  -(Berberanews)-Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag diray cid kasta oo ku lug leh dhaqdhaqaaqyo dagaal oo ciidan ka wada magaalada Buuhoodle.
Ciidan iyo odayaal laga soo abaabulay dhinaca maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, ayaa maalmihii ugu dambeeyey gudaha Buuhoodle ka waday dhaqdhaqaaqyo dagaal liddi ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ku dhawaaqay jabhad ay SSC ugu magac dareen.
Taliyaha Guutada 130aad ee Ciidanka Millateriga Somaliland ee aagga Buuhoodle Korneyl Siciid Maxamed Cali, ayaa sheegay in dad Puntland ka yimi ay gobolka khalkhal galin ka wadaan.
“Maalmahan degaanka Buuhoodle buuq badan ayaa ka jiray, degaankanna, degaan buuq u baahan maaha, dadka buuqa wadaana waa dad aan degaanka waxba ugu fillayn. Dadkan iyo ciidammadan socsoconayaa waxay kicinayaan nabadgalyo-darro,” ayuu yidhi taliye Siciid.

“Deegaankani uma baahna dad Garoowe ka yimi oo masaafada intaa le’eg soo maray. Waxaannu uga tudhaynaa annagu dhibaatada ay qabaan in aan dhibaato kale loogu darin, waxaannu u sheegaynaa degaanka in ay ka daayaan khalkhalka.”

“Buuhoodle waa deegaan xasaasi ah, kamana oggolaanayno nin aanay waxba ka ool in uu khalkhal ka abuuro,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Ciidammo dhowaan sheegay in ay ka goosteen guutada 130aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ku hanjabay in ay qaadayaan dagaal ay Somaliland kaga saarayaan gobollada Sool Sanaag iyo Buuhoodle.