Xukuumadda Somaliland oo Hambalyo u Dirtay Qaran Cusub oo Dunida ku soo Biiray

Hargeysa  -(Berberanews)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Jamhuuriyadda Barbados oo noqday qaran cusub oo ku biiray qarammada adduunka shalay, kadib muddo aad u dheer oo uu ku jiray gacanta Boqortooyada Ingiriiska.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland maanta, ayey ugu hambalyaysay Jamhuuriyadda Barbados oo loo aqoonsaday dal cusub oo caalamka ka mid ah.


“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay jeceshahay in ay xusto munaasibadda taariikhiga ah ee ah in Barbados noqotay qaran cusub oo caalamka ku soo biiray, waxayna ugu hambalyaynaysaa madaxda iyo dadka dalkaas guusha ay gaadheen ee qarannimo,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland waxay caddaysay in ay diyaar u tahay inay Jamhuuriyadda Barbados iskaashadaan, kana wada wada shaqeeyaan danaha ka dhexayn kara labada dal.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u tahay inay ka taageerto qarankan hanka weyn ee Barwaaqo-sooranka ka mid ah wax kasta oo khuseeya danaha labada dhinac iyo danaha caalamiga ah, waxayna u hambalyaynaysaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkani yeesho Dame Sandra Mason oo qaadday masuuliyad hoggaamineed oo weyn.”
Waxa kaloo lagu sheegay qoraalka in Jamhuuriyadda Somaliland ka rajaynayso caalamka inay ka hesho aqoonsi sida Barbados oo kale, isla markaana sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto inay hesho ictiraaf buuxa, ayna rajaynayso in dadka dalalka Barbados iyo Somaliland ay noqon doonaan saaxiibbo isku dhow.