Maxkamadda Ciidammada Somaliland oo Xukun ku Ridday Askar Kufsaday Gabadh Yar

Ceerigaabo -(Berberanews)- Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Sanaag, ayaa min toddoba sannadood oo xadhig ah ku ridday afar askari oo lagu helay in ay kufsadeen gabadh yar oo 13 jir ah.


Xukunka askarta ayaa ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag saaka.
Afarta Askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gabadha yar ku kufsaday degaannada degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag badhtamihii sannadkan.