Ciidammada Ethiopia oo qabsaday magaalada muhiimka ah ee Lalibela

Ethiopia-(Berberanews)-Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreeda ee TPLF.

Qabsashada magaaladaasi  ee ciidamada dowladda ayaa noqoneysa guushii ugu dambeysay ee ay dowladdu sheegato tan iyo markii todobaadkii hore uu ra’iisalwasaare Abiy Axmed u baxay furimaha hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo hawlgalka ciidamada.

Jabhadda Tigreeda ee TPLF ayaa sheegtay in “xeelad” ahaan ay ka baxeen meelo gaar ah.
Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Ogosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF.

Magaaladaasi oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda dalkaasi muddo haatan laga joogo sanad.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shalay sheegtay in militarigoodu uu sidoo kale ku kalsoon yahay in “muddo yar” ay dib ula wareegaan magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie.

Fallaagada TPLF ayaa bishii hore qabsatay magaaladaasi Dessie, arrintaasi oo loo arkayay in ay dhibaato wayn ku tahay dawladda, maadaama ay magaaladani isku xirto Addis Ababa iyo xuduudka Itoobiya la leedahay Jabuuti.

Sida ay dowladdu sheegtay, magaalooyinka kale ee fallaagada lagala wareegay waxaa ka mid ah Shewa Robit, oo qiyaastii 220km u jirta Addis Ababa.