Beledweyne: Masiibo ku habsatay shan wiil oo walaalo ah

Bbc-(Berberanews)-Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saddex wiil oo walaala ah ay ku dhinteen laba kalena ay ku dhaawacmeen gantaal ku dhacay gurigooda oo ku yaal magaaladaasi.

Labada wiil ee dhaawaca ah ayaa waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka wayn ee magaalada Baledweyne, halkaas oo dhakhaatiirtu ay isku dayayaan inay noloshooda badbaadiyaan.

Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo ah waalidka wiilasha dhintay oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa yiri “Wiilasha qolka igu dhegan ayay ku jireene waxaan is iri soo eeg, markii aan gurigii galay , waxaan arkay labadan oo dhaawac ah, seddexda kalena qol kale ayay ku jireen, labadan iyaga oo dhaawac ah ayay soo gurguurteen, seddexdii kale gurigii wax kaa furaya ma leh, gurigii ayaan ku jabiyay , balse madaxooda ayuuba ku qarxay. “

Waxa uu intaas ku daray “maskaxdoodii ayaa darbiyada ku daadatay”.

Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhaceen guriga ay ku noolaayeen shantaasi wiil ee wada dhalatay kuwaas oo markii ay dhibaatadu ku dhacaysay gurigooda hurday. Wiilasha dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay da’dooda u dhaxaysay 13 jir illaa 19 jir.

Dhibaatadan ayaa ka dhalatay dagaal la sheegay inuu cuslaa oo xalay saldhigyo ay leeyihiin ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku soo qaadeen ururka Al-Shabaab

Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhigga ay ciidammada xoogga dalka ee Soomaaliya ku leeyihiin xaafadda Bacaadada iyo saldhigga ay ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal socday muddo kooban.

Gaashaanle Sare Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay, taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidammada xoogga dalka, oo BBC-da u warramay ayaa gaashaanka u daruuray in dagaal xooggan uu ka dhacay magaalada Baledweyne. “Weerrar Shabaabku ay magaalada ku soo qaadeen ma jirto ee intay soo dhuumaalaysteen ayey hoobiyayaal soo tuuren, dad rayid ah ayaana wax ku noqday ee ciidammadeenna waxba ma soo gaadhin.

Shalay ayay ahayd markii ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ay hawlgallo ka sameeyeen deegaanno ku yaal galbeedka iyo bariga magaalada Baledweyne.

Ciidammada ayaa sheegay inay tallaabooyinkaasi ku sugayaan ammaanka magaalada maadaama ay ka mid tahay meelaha ay doorashada ka dhacayso.

Gaashaanle Sare Baakay ayaa dhanka kale dhibka dadka rayidka ah soo gaaray waxa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyay Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay in marwalba ay waxyeeleeyaan shacabka, waxa uuna ka tacsiyeeyay dadka rayidka ah ee ay dhibaatadu soo gaartay.

“Shabaabku waa niman dhuumaalaysta, waa niman duurka ku jiro, dagaal toos ahna ma soo qaadi karaan. Annagu illaa masaafo 30km ayaan shalay ku tagnay howlgal aan ammaanka ku sugaynay, marka niman dhowr iyo toban ah ayaa intay soo dhuunteen sheegtay inay weerar gaysteen, taasina wax wayn ma ahan.” ayuu yiri Gaashaanle Sare Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

Dhanka kale, hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ay ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo NISA ay xalay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in la dilay ilaa 12 ka tirsan ururka Al-Shabaab. kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay khal-khal gelinta nabag gelyada magaalada Muqdisho.