Xoghayaha WADDANI oo markii ugu horreysay ammaanay Madaxwaynaha Somaliland

“Ammaan badan bay Somaliland ku kasbatay doorashadii isku sidkanayd ee bishii May 2021, taas oo ammaanta ugu weyn uu leeyahay Madaxweynaha oo sidii doorashada uu u maamulay ku mutaystay. Waxa kale ammaan ah oo Xisbiyada iyo Beesha Caalamku ku bogaadinayaan in Madaxweynuhu dammaanad qaaday in doorashada Madaxtooyada ee 2022 watigeedii ku dhacayso oo aanay dib u dhac jirin sida ay Beesha Caalamku noo sheegeen kadib kulamadii ay xukuumadda la qaateen..
Marka waxa aannu shacbiga JSL u sheegaynaa in ay doorashooyinka u diyaar-garoobaan, annaguna Xisbi ahaan diyaar u nahay.”
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi.