Wasiir Toorno oo ka ducaystay inuu la mid noqdo wasiiradii hore

Hargeysa -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa ka ducaystay in marka uu xilka ka tago uu la mid noqdo wasiirro hore oo markii ay xilalka banneeyeen kadib dhaliila xukuumadda ay ka tirsanaayeen.


“Waxaad iiga ducaysaan In aan noqdo qof intaas oo sanno wasiir ahaa, maalinta uu ka tagana qof kale noqonayaa oo odhanaya dalkii wuu baaba’ay.


Maalintaas ayuu ogaanayaa in abaaro jiraan, maalintaas ayuu ogaanayaa in Covid-19 jiro, markaas ayuu hadduu doono odhanayaa dalku meel xun ayuu marayaa. Waar markii hore ma dhagaha iyo indhaha ayaa lagu haystay?” ayuu yidhi Wasiir Toorno.