Wararkii ugu dambeeyey ee dagaallada ka socda Itoobiya oo aad u sii xoogaysatay

Addis Ababa -(Berberanews)- Dagaallada ka socda dalka Itoobiya, ayaa aad u sii xoogaysanaya maalmahan, iyadoo Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed uu horkacayo mid ka mid ah ciidammada dawladda ee furimaha sida weyn la isugu farosaaray oo ku yaal Gobolka Canfarta.

Xukuumadda Addis ayaa sheeganaysa guulo ay ka gaadheen saddexda furimood oo dagaalka ugu adag haatan ka socdo.
Aagga magaalooyinka Shaawa, Wereeylu iyo Gashena oo dagaallo aad u qadhaadh ka socdaan maalmihii u dambeeyey, ayaa dhammaantood ay ciidammada dawladda Itoobiya guulo ka sheegteen.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegatay inay saacadihii la soo dhaafay xoogagga TPLF iyo kuwa Oromada ka qabsadeen 14 degaan oo hore gacanta ugu jiray ciidammada mucaaradka.
Weli dhulka dagaallada ugu culus ka socdaan waa degaannada Amxaarada iyo Cafarta oo xoogagga TPLF hore uga qabsadeen magaalooyin badan.
Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Axmed waxa uu ku tilmaamay TPLF cadow, isagoo markale ku hanjabay inay ka saari doonaan dhulka Amxaarada, isla markaana burburin doonaan dhammaantood.