Somaliland oo caddaysay mowqifkeeda dagaalka Ethiopia

Hargeysa (Berberanews)–Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horraysay caddaysay mowqifkeeda ku sallaysan dagaalka la socda dalka Ethiopia.

Wasiirka wasaaradda  arrimaha dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Sonaliland dhex ka tahay colaadda Ethiopia, “Waxaanu taageer sanahay waxkasta oo nabadgelyo iyo dhex dhexaadin ah oo Itoobiya ka socda, anaga Somaliland ahaan  in aanan faragalin siyaasada gudaha ee Itoobiya weeyan mowqifka siyaasadayada arrimaha dibadda”. Ayuu yidhi Wasiir Kayd oo waraysi siiyay BBC.

Wasiir Ciise wuxuu sheegay in Somaliland soo dhawaynayso dadaalkasta oo keenaya in Itoobiya nabad lagu soo dabaalo, balse mawqifka siyaasada arrimaha dibada Somaliland uu yahay in anay Somaliland faragalin siyaasada arrimaha gudaha dal kale.

Wasiirka waxa kale uu ka hadlay
Kulankii madaxweynaha Dowlada Deegaanka Somalida iyo madaxweynaha Somaliland,   Waxaanu yidhi.”Iskaashi uunbaa laga hadlay, nabad galyada ayaa laga hadlay iyo in la is waydaarsado sirdoonka, xidhiidhkii caadiga ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn jiray uun baa laga wada hadlay”

Kadib kulankii Hargaysa ku dhex maray madaxweyne Mustafe Cagjar iyo madaxweyne Muuse Biixi, ayay warbaahinta dowlada Itoobiya ee EBC oo ka waramaysay wixii laga wada hadlay sheegtay in madaxweynaha Somaliland  taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Tigrey.

Berberanews.com
Info@berberanews.com