Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulamo kala duwan kula qaatay Safiirrada cusub ee Midawga Yurub, Amb. Tiina Intelmann iyo Dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo safarkoodii u horreeyey ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland safiirrada cusub ku soo dhaweeyey dalka Somaliland, sidoo kalena waxa uu xog-warran buuxa ka siiyey horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, iyadoo ay isku duuban yihiin shacbi iyo dawladba, taas oo keentay in qaranka Somaliland noqdo dal ay ka hana qaadeen doorashooyin Dimuquraadiya oo soo jiitay indhaha caalamka,kana jirto nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, arrimahaas oo ah kuwo lagu majeerto, tusaalooyin wacanna u ah dunida inteeda kale.