Booliska Hargeysa oo xabsiga dhigay Gabadh dalbatay in loo oggolaado qaawani

Hargeysa -(Berberanews)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee caasimadda Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay gabadh dhallinyaro ah oo dalbatay in dumarka loo sameeyo xeer oggolaanaya inay suuqyada qaawani ku dhexmari karaan.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in booliisku xabsiga u taxaabeen gabadhaas oo aan si rasmi ah loo shaacin magaceeda shalay, isla markaana baadhitaan ku socdo, isagoo bulshada uga digay ficillada anshaxa baalmarsan.
“Arrinta gabadhaas laamaha amniga ayaa ka hawlgalay. Qofku marka uu sameeyo wax anshaxa aan waafaqsanayn waxa la rabaa in ciddii u xilsaarnayd ay ka hawlgasho waana laga hawlgalay, lamaaha amniguna gacanta ayey ku dhigeen, baadhitaanna way wadaan,” ayuu yidhi wasiir Albaani.
Gabadha oo Facebook ku soo gasha magaca Buulo Qareen Hayaama, ayaa xili ay dood TV ka qaybgalashay dalbatay in la sameeyo xeer u oggolaanaya in ay qaawani suuqa ku mari karto “Nigis iyo kiishali haddaan Hargeysa ku maro waa in aan helaa xeer ilaalinaya nabadgalyadayda iyo xasilloonidayda,” ayey ku dooday gabadha dhallinyarada ah ee la xidhay, waxaanay arrintaasi aad uga cadhaysiisay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Doodda TVga ee ay Hayaama ka codsatay xeerka fasaxaya qaawanida, ayaa timi kadib markii toddobaadkii hore suuqa magaalada Hargeysa lagu qabtay gabadh shaadh iyo surwaal xidhan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com