Sudan oo Hanjabaad cusub u jeedisay Itoobiya

Khartuum—(Berberanews)-Dawladda Sudan ayaa sheegtay in aanay Itoobiya u oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guud ee ciidammada dalkaasi maanta.
Dhawaaqa hanjabaadda ah ee ka soo yeedhay Sudan, ayaa yimi kaddib markii Addis Ababa beenisay eedeyn uga timi Khartoum oo ahayd in ciidammo isugu jiro millatariga Itoobiya iyo malleeshiyaad hubeysan ay weerareen xuduudka dalkooda horraantii toddobaadkan.
Waddamada Sudan iyo Itoobiya ayaa ku muransan dhul ku yaalla xadka ay wadaagaan oo lagu magacaabo Al-Fashaqa, halkaas oo ay dhowr jeer ku dagaallameen ciidammada labada dhinac.

Info@berberanews.com