Midowga Musharraxiinta Soomaaliya oo ku baaqay in la hakiyo doorashada

Waxay ku tilmaameen doorashada Golaha Shacabka boob qaawan.

MUQDISHO—(Berberanews)-Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii la so dhaafay uu shir wadatashi ah uga socday magaalada Muqdisho ayaa bayaan ay soo saareen caawa waxay ku tilmaameen doorashada Golaha Shacabka inay tahay boob qaawan oo aanay sinaba u qaadan karin.
“Goluhu wuxuu Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in la hakiyo doorashooyinka, shirna isugu yeedho madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, Midowga Musharraxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si wax looga qabto boobka doorashooyinka socda, loona saxo khaladka,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
“Waxa socda laguma tilmaami karo doorasho ee boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo nabadgelyo la’aan.”
Midowga Musharraxiinta ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in ay luntay kalsoonidii lagu qabay guddiyada doorshada ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleed, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ka kala amar qaataan madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul-goboleeyada.

Berberanews.com
info@berberanews.com