Messi oo markii toddobaad ku guuleystay Ballon d’Or

Bbc-(Berberanews)-Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain iyo xulka qaranka Argentina, Lionel Messi, ayaa markii toddobaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or – oo la siiyo ciyaartoyga kubadda cagta ee ugu wanaagsanaa sannadka.

Messi, oo 34 jir ah ayaa waddankiisa ka caawiyay inuu ku guuleysto tartanka Copa America, oo noqday koobkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ciyaartoygan uu helo, waxaana uu dhaliyay 40 gool sanadkan 2021-ka gudihiisa – kuwaasoo 28 ka mid ah uu u dhaliyay Barcelona, 4 uu u dhaliyay Paris St-Germain, halka 8 kalena uu u dhaliyay Argentina.

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland, Robert Lewandowski, ayaa soo galay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaadna uu ku jiray ciyaartoyga khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo waddanka Talyaaniga, Jorginho.

Gool dhaliyaha Real Madrid, Karim Benzema, oo u dhashay Faransiiska ayaa soo galay kaalinta afaraad.

Abaalmarinta Ballon d’Or waxaa u codeeya 180 wariye oo ka kala socda guud ahaan caalamka, inkastoo aan cidna la siinin sanadkii 2020-kii sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee corona.

Intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2019, Messi ama Cristiano Ronaldo (oo ku guuleystay shan jeer) midkood ayaa qaadanayay abaalmarintan, marka laga reebo sanadkii 2018-kii oo uu ku guuleystay laacibka khadka dhexe ee xulka Croatia iyo kooxda Real Madrid, Luka Modric.

Messi ayaa billaddan horayba ugu guuleystay wax ka badan ciyaartoyda kale ee kubbadda, guushiisa marka toddobaad ahna waxay imaaneysaa kaddib markii uu abaalmarintan horay usoo qaatay sannadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo 2019.

“Waa arrin aad u wanaagsan inaan halkan joogo mar kale,” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Theatre du Chatelet ee magaalada Paris.

“Labo sano ka hor waxaan u maleynayay inay ahayd markii ugu dambeysay ee aan helo. Dadku waxay billaabeen inay i weydiiyaan xilliga aan ka fariisanayo kubbadda, balse hadda waxaan joogaa Paris, waana faraxsanahay.

“Kani wuxuu ii yahay sannad khaas ah, maadaama aan sidoo kale helay Copa America,” ayuu yiri Messi.

Natiijada Ballon d’Or

• Lionel Messi (Paris St-Germain/Argentina, weeraryahan)

• Robert Lewandowski (Bayern Munich/Poland, weeraryahan)

• Jorginho (Chelsea/Italy, khad dhexe)

• Karim Benzema (Real Madrid/France, weeraryahan)

• N’Golo Kante (Chelsea/France, khad dhexe)

• Cristiano Ronaldo (Manchester United/Portugal, weeraryahan)

• Mohamed Salah (Liverpool/Egypt, weeraryahan)

• Kevin de Bruyne (Manchester City/Belgium, khad dhexe)

• Kylian Mbappe (Paris St-Germain/France, weeraryahan)

• Gianluigi Donnarumma (Paris St-Germain/Italy, gool haye)

• Erling Braut Haaland (Borussia Dortmund/Norway, weeraryahan)

• Romelu Lukaku (Chelsea/Belgium, weeraryahan)

• Giorgio Chiellini (Juventus/Italy, difaac)

• Leonardo Bonucci (Juventus/Italy, difaac)

• Raheem Sterling (Manchester City/England, weeraryahan)

• Neymar (Paris St-Germain/Brazil, weeraryahan)

• Luis Suarez (Atletico Madrid/Uruguay, weeraryahan)

• Simon Kjaer (AC Milan/Denmark, difaac)

• Mason Mount (Chelsea/England, khad dhexe)

• Riyad Mahrez (Manchester City/Algeria, weeraryahan)

• Bruno Fernandes (Manchester United/Portugal, khad dhexe), oo uu la wadaago Lautauro Martinez (Inter Milan/Argentina, weeraryahan)

• –

• Harry Kane (Tottenham/England, weeraryahan)

• Pedri (Barcelona/Spain, khad dhexe)

• Phil Foden (Manchester City/England, weeraryahan)

• Nicolo Barella (Inter Milan/Italy, khad dhexe), oo ay la wadaagaan Ruben Dias (Manchester City/Portugal, difaac) iyo Gerard Moreno (Villarreal/Spain, weeraryahan)

• –

• –

• Luka Modric (Real Madrid/Croatia, khad dhexe), oo uu la wadaago Cesar Azpilicueta (Chelsea/Spain, didaac).