Hargeysa: Midowga Yurub oo kulamo la yeeshay hoggaanka saddexda xisbi qaran Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Hoggaanka Xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa kulan la qaatay wefti ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub Ms. Tiina Intelmann oo socdaal shaqo ku yimi Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga, ayaa kulan ka dhacay huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa caawa la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Ms. Tiina Intelmann oo dhankeeda ay wehelinaysay Madaxa Barmaamijka Dimoqraadiyadda ee EU-da Maria Groenaveld.

Kulanka ayaa qodobadda ugu muhiimsan ee laga wadahadlay waxa mid ah; guud ahaan nabadgalyada Mandaqadda iyo doorka Somaliland ku leedahay, arrimaha doorashooyinka ku soo wajahan Somaliland ee ay ka mid tahay ta Madaxtooyadu, xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Midowga Yurub iyo heerka taageero ee Somaliland ay ka hesho oo si gaar ah loo soo qaatay dhanka horumarka iyo ammaanka sida waxtarka Ciidammada Booliska iyo Ilaalada Xeebaha dalku ka helaan EU-da.
Guud ahaan arrimahaasi labada dhinac ka wada-xaajoodeen waxa laga gaadhay is-afgarad, iyadoo la isla gartay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa dawladda Somaliland iyo Ururka Midowga Yurub.
Dhinaca kale, weftigu waxa ay kulamo noocan oo kale ah la yeesheen madaxda labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Berberanews.com
Info@berberanews.com