Ciidammada Uganda oo hawlgal Milateri ka fuliyay gudaha Congo

Uganda(Berberanews)-Milatariga Uganda ayaa weerar cirka iyo madaafiic ah ku qaaday kooxda hubeysan ee Allied Democratic Forces (ADF) ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), howlgal ay kula heshiiyeen ciidamada Congo.

“Saaka, waxaan qaadnay weerarro cirka ah oo wadajir ah oo ka dhan ah xeryaha ADF oo aan la leenahay xulafadayada Kongo,” afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca Dadka Uganda ayaa ku yidhi qoraal uu soo dhigay Twitterka.

Dhiniciisa, Patrick Muyaya, afhayeenka xukuumadda DRC iyo wasiirka isgaadhsiinta ayaa yidhi “tallaabooyin jihaysan oo ciidamada Uganda ayaa maanta ku bilowday duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lala beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC”.

Mas’uuliyiinta Uganda ayaa ku eedeeyay kooxda ADF inay mas’uul ka tahay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee horaantii bishan ka dhacay caasimadda Kampala.

Kooxda hubaysan ayaa lagu eedeeyay in ay tobanaan weerar ka fuliyeen bariga DRC.