Afhayeenka Tigray oo ka hadlay duqayn lala beegsaday biyo-xidheenka Tekeze

Ethiopia(Berberanews)-Afhayeenka Tigray, #Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay kooxda Abbiy Ahmed inay maanta burburiyeen biyo xidheenka dab dhalinta ee Tekeze.

Gettachew wuxuu sheegay in taliska #Abbiy uu beegsanayo waxkasta oo faaiido u leh shacanka tigtay.

Getachew wuxuu yidhi, “Maamulka sii dhimanaya ee #AbiyAhmed ayaa subaxnimadii hore ee 30-ka November duqeeyay biyo xidheenka korontadda ee Tekeze. In taliska Addis Ababa uu wixii uu awoodo uu ku dumiyo wax kasta oo wax u taraya shacabka #Tigray ayaa Guulaysan Doonta!” Sidaa waxa yidhi Getachew oo bartiisa twitterka ku soo qoray.

Maamulka TPLF waxay dhawaan soo bandhigeen Maxaabiistii Itoobiya ee dagaalka, iyagoo sheegay inay sii wadayaan guulaha ay ka gaadheen dagaalka ay ku soo qaadeen caasimadda.

Dagaalo culus ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka socday deegaanka, ciidamada #TPLF ayaa isku dayaya in ay la wareegaan wadooyinka muhiimka ah ee isku xidha gobolka iyo caasimada Addis Ababa.