Abiy Axmed oo baaq u diray TPLF, xilli uu dagaalka Itoobiya weji adag galay

 Addis Ababa-(Berberanews)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ka dalbaday fallaagada Tigreega inay isi soo dhiibaan isagoo ku dooday in ciidammada dawladdu qarka u saaran yihiin guul inay colaadda ka gaadhaan toddobaad kadib markii uu wacad ku maray inuu safka hore ee dagaalka iska xaadirin doono.
“Dhallinyaradii Tigray waxay u daadanayaan sidii caleemihii geedka. Way ogyihiin aanay guul arki doonin. Waxa hoggaaminaya mid bilaa hadaf ah,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya.

Abiy oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda sannadkii 2019, ayaa hadalkan ku sheegay farriin laga baahiyey warbaahinta dawladda maanta.

“Waa in aad isdhiibtaan maanta oo isu dhiibtaan ciidammada difaaca qaranka, ciidammada gaarka ah, malleeshiyaadka inala shaqeeya ama shacabkaba,” ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Muuqaalka soo baxay maanta ayaa ah kii ugu dambeeyey muuqaallo taxane ah oo uu Abiy ka so dirayey jiidda hore ee dagaalka isagoo ku lebbisan dhar millatari, kuna sugan gobolka woqooyi bari ee Canfarta.

Waxa aaggaas ka socday dagaallo culus toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo xooggaga TPLF isku dayaya inay la wareegaan waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaas ku xidha caasimadda Addis Ababa.

Axaddii, warbaahinta dawladda ayaa ku warrantay in ciidammadu la wareegeen magaalada Gobolka Canfarta ku taalla ee Chifra. Abiy ayaa sheegay in ciidammadiisu ay hadda u ruqaansanayaan dhinaca Gobolka Amxaarada.

Abiy oo hore ahaa korneyl ciidammada ka tirsan ayaa sheegay inuu safka hore tegi doono, kadib markii fallaagada TPLF la wareegtay magaalada Shewa Robit oo 220 km uun jirta caasimadda Itoobiya.
Hase ahaatee, way adag tahay in la xaqiijiyo sheegashadaas, maadaama la xaddiday adeegyada isgaadhsiinta meelaha dagaalladu ka socdaan, iyadoo la soo saaray xeerar cusub oo mamnuucaya in la daabaco dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ama natiijooyinka ka soo oo baxa goobaha dagaalka.

Saraakiisha TPLF waxay dhowaan baahiyeen muuqaallo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka, kaas oo ku saabsan kumannaan maxaabiis ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay qabteen, waxay sheegeen inay si wadaan guulaha ay ka gaadhayaan dagaalka, isla markaana haatan ku wajahan yihiin caasimadda.

Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in ciidammada Tigrayga laga yaabo in aanay isku toosneyn, una nugul yihiin weerarro rogaal celis ah iyo weerar ay suurtogal tahay inuu kaga yimaad dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Xaalad bini’aadantinimo

Dhinac kasta oo guul ka gaadha dagaalka, waxa cad in colaaddu sii fidayso xilli Itoobiya ay ka taagan tahay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP, ayaa hadda ku qiyaastay in 9.4 milyan oo qof inay u baahan yihiin gargaar.

“Xilli colaaddu ku sii fideyso waqooyiga Itoobiya, waxaan arkaynaa dad badan oo laa daalaa dhacaya dhibaatooyin dhanka nolosha ah,” ayey tidhi Claire Neville oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda WFP oo ku sugan Addis Ababa.

Waxay sheegtay in arrimaha xaddidaya gargaarka banii’aadanimo ay yihiin amni darrada ka dhalatay dagaallada ka socda woqooyiga Itoobiya.

Balse Hay’adda WFP ayaa dhawaan ku guulaysatay in ay kumannaan qof ay gaadhsiisay gargaar, kuwaas oo ku nool laba magaalo oo ka tirsan Gobolka Amxaarada oo ay la wareegeen ciidammada Tigray.