Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka qoomamooday qoraal uu Twitter-kiisa ku weeraray Turkiga

Muqdisho-(Berberanews)-Wasiirka Amniga Soomaaliya Mr Cabdillaahi Maxamed Nuur, ayaa raalligelin ka bixiyey wax uu ku tilmaamay “khalad uu jeebkiisu sameeyey” oo ka dhacay bartiisa Twitter-ka oo lagu baahiyey qoraal uu ku wareeray Turkiga oo saaxiib aad u dhow la ah Muqdisho.
Hadalka qoomamada ah ee Wasiirka ayaa daba socday hadal hayn baraha bulshada qabsatay oo ku saabsan inuu Twitter-kiisa ku sii faafiyey qoraal lagu weeraray dawladda Turkiga.

Hase yeeshee, Cabdillaahi Maxamed Nuur, ayaa ku andacooday in “telefoonka oo jeebkiisa ku jira uu dhacay fal celiskaas,” isaguna aannu waxba ka ogeyn, wuxuuna eedeeyey dadka sii faafiyey arrintan.
“Waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah bogagga baraha bulshada lagu siyaasadeeyo faafinta uu jeebkeyga ku sameeyey twitter, jahwareer kasta oo arrintaas kama’a ah ay cid walba ku keentayna waxaan ka bixiyey raalligelin,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.
Wasiirka ayaa qoraalka uu ku weeraray Turkiga waxa uu ku yidhi: “Turkigu wuxuu Itoobiya ku fatahiyey drones, kaddibna wuxuu muwaaddiniintiisa ku boorriyey inay si degdeg ah uga baxaan Addis Ababa.”
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa markii dambe boggiisa ka masaxay faafinta uu ku sameeyey qoraalka hadal-heynta dhaliyey ee lagu weeraray dawladda Turkiga oo ah saaxiibka ugu weyn ee ay leedahay dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com