Wasaaradda Arrim. Debedda Somaliland oo warbixisay kulamadii Maraykanka

Washington-(Berberanews)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland. Dr Ciise Kayd iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Maraykanka, ayaa Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland ka soo saartay warbixin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyay kulamada kala duwan ee weftigu la yeesheen dhinacyo kala duwan.

War-saxaafadeedkaasi wuxu u qornaa sidan:

“Wefti ballaadhan oo ka socday dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr.Ciisa Kayd, kuna wehelinaysay Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa socdaal shaqo oo qaatay lix maalmood ku tagay magaalooyinka Washington, DC iyo New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay kula kulmeen maadax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, ururrada u dooda qaddiyadda Somaliland, khubaro iyo aqoonyahanno kale.
Kulamadaas oo diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika. Weftiga ayaa warbixino ka siiyey
xaaladihii u dambeeyey ee Somaliland, waxa aanay iftiimiyeen baahida loo qabo sii xoojinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Maraykanka ee dhinacyada
dhaqaalaha, nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo guud ahaan xaaladda Geeska Afrika.

Magaalada Washington wefdtgu waxa ay kaga qaybgaleen shirar is-daba joog ah oo ay la yeesheen masuuliyiin ka kala socday Golaha Amniga Maraykanka, Wasaaradda
Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka USAID, xubno iyo hawlwadeenno sare oo ka socday Guddida
Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka iyo Congress ka.
Weftigu waxa kale oo ay warbixino siiyeen khubaro ka socday Atlantic Council, American Enterprise Institute, Jamestown Foundation, US Institute of Peace, Wilson Center, American University, National Endowment for Democracy, International Republican Institute iyo Freedom House ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale, waxa ay weftigu ka qeybgaleen kulamo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qarammada Midoobay iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha Bariga Afrika, gaar ahaan
koboca dhaqaalaha, nabadeynta, dawladnimada iyo dimoqraadiyadda. Waxa kale oo ay weftiga kulan warbixin ah la qaateen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka.
Ugu dambayn, weftiga oo shaqadooda sii wata ayaa u hadda ku sugan dalka
boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo ay kulam kula leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka
iyo dawlada UK.”