Turkiga oo qorshaynaya dub usoo celinta xidhiidhka Israel

Ankara-(Berberanews)-Turkiga ayaa qaadi doona tillaabooyin uu ku wanaajinayo xidhiidhka uu la leeyahay Israa’iil si la mid ah kii uu la sameeyay Imaaraadka, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku yidhi warbixin ay daabacday warbaahinta Turkiga Isniintii.

Xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ahaa mid ku salaysan arrimaha gobolka, laakiin dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed’s booqashadii Ankara usbuucii hore ay soo afjartay xidhiidhka xumaaday iyada oo waddamadu xidheen maalgashi balaayiin dollar ah.

“Sida tallaabada anaga iyo Imaaraatka Carabta noo dhex martay, ayaan kuwa kale u qaadi doonnaa tillaabooyinkan oo kale,” ayuu Erdogan u sheegay warfidiyeenka Turkiga ee la socday diyaarad uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Turkmenistan dhamaadkii todobaadka, Telefishinka NTV ayaa sheegay.

Wuxuu soo jeediyay safiirada Turkiga in dib loogu celin karo Masar iyo Israa’iil, iyo in safiirada lagu soo celiyo labada dal ka dib sannado badan oo xidhiidhku xumaa.

“Hadda marka aan go’aan ka gaadhno, waxaan dabcan awood u yeelan doonnaa inaan safiirro ku magacaabano jadwal la cayimay,” ayuu yidhi Erdogan, isagoo aan bixin waqti cayiman.

Sannadkii 2018-kii, Turkiga wuxuu amar ku bixiyay inuu dalka ka baxo safiirka Israa’iil ka dib dilkii dad mudaaharaadayay oo ka dhacay xadka marinka Qaza.

Xidhiidhka u dhexeeya Quddus iyo Ankara waxa uu ahaa mid sannad walba xumaanayay, Erdoganna waxa uu si joogto ah uga jeediyaa faallooyin aflagaaddo ah oo ku saabsan Israa’iil.