“Somaliland in ay Soomaaliya ka go’do ayaan aaminsanahay” Boqor Buurmadow

Muqdisho-(Berberanews)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa caddeeyey inuu si buuxda u taageersan yahay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taas uu sheegay inay rabitaan shacab.

Boqor Buurmadow oo laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da uga warbixiyey ujeeddada socdaalkiisa Muqdisho, ayaa sheegay inuu la xidhiidho xallinta khilaaf ka dhex taagnaa madaxda Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya xilalka ka haya.
“Khilaaf ka dhexeeyey madaxda gobollada woqooyi ee Muqdisho jooga in aan dhexgalo oon isu u soo dhowayn arrinkaas ka sameeyo ayuu safarkaygu ahaa, tiina waannu ku guulaysannay,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Waxa kaloo uu sheegay inuu meel kasta oo Soomaali dagto oo khilaaf ka jiro tagayo, si uu uga qaybqaato heshisiintooda, isagoo xusay inuu hore sidaas uga sameeyey degaanno kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
“Puntland oo Soomaaliya ka mid ah hadda ka hor ayaan khilaafkooda uga shaqeeyey, Somaliland-na raalli ayey igaga ahayd, meel kasta oo khilaaf ka jirana waannu tagnaa. Itoobiya ayaannu tagnaa,” ayuu yidhi Buurmadow.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo la waydiiyey bal hadda waxa uu ka aaminsanyahay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Madaxbannaanida Somaliland waa doonitaan shacbi, waxa shacabkaygu aaminsan yahayna waan aaminsanahay. Somaliland in ay Soomaaliya ka go’do ayaan aaminsanahay.”

Boqor Buurmadow ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu tegay magaalada Baydhabo, isagoo kaalmo lacageed gaadhsiiyey dadkii laga raafay gobollada bariga ee dalka Somaliland dhowaan.