Qarax ka dhacay Laascaanood

Laascaanood-(Berberanews)- Qarax loo adeegsaday bambo-gacmeed, ayaa lagu tuuray meel udhaw goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool caawa.
Goobta qaraxu ka dhacay oo u dhow dugsiga Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood oo aan wax khasaare ah ka dhalan, ayaan ilaa hadda la ogeyn cidda fulisay.
Ciidammada Booliska Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa wada baadhis ku saabsan qaraxaas oo aan la ogeyn ujeeddadiisa.
Ma jiro war rasmi ah oo hay’adaha ammaanka Somaliland ka soo saareen qaraxa ka dhacay magaalada Laascaanood oo in muddo ah amnigeedu aad u fiicnaa.

Wixii ka soo kordha kala soco Berberanews….