Puntland oo sheegtay in ciidammada  Somaliland la wareegeen degaanka Godqaboobe oo ku dhow Garoowe

Garoowe-(Berberanews) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa qabsaday degaanka Godqaboobe ee Gobolka Sool oo ahayd saldhigga difaaca ciidanka Puntland ee magaalada Garoowe.

Wararka laga helayo Gobolka Sool in ciidammada Somaliland saaka qabsadeen degaanka Godqaboobe oo ahayd rugta difaaca kaga jireen ciidammada Daraawiishta ee Puntland.

Dadka degaanka Godqaboobe oo la hadlay warbaahinta Puntland Today, ayaa sheegay in ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ay saaka la wareegeen degaankaas iyadoo aanay jirin wax iska horimaad dagaal ah oo ay la kulmeen.

Qabsashada ciidanka Somaliland ee degaanka Godqaboobe ayaa timi kadib markii ciidankii Puntland ee halkaas ku horfadhiyey ciidammada Somaliland ay xalay u guureen magaalada Boosaaso, halkaasoo ay maalmahan ka jirtay xiisad u dhexaysa madaxtooyada Puntland iyo ciidanka PSF.