Nin Muruqmaal ahaa Hargeysa lagu dilay caawa

Hargeysa-(Berberanews)- Allaah ha naxariistee nin ka mid ahaa dadka muruqmaalka ah ee ku xoogsada kaaryoonaha ayaa geeriyooday, kadib markii sida la sheegay uu minddi dhuunta ka galiyey nin kale oo kaaryoonle ah oo gacan ka hadal ku dhexmaray sariibadda hilibka Suuqa Waaheen ee badhtamaha caasimadda Hargeysa caawa fiidkii.
Dad joob-joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammada boolisku xabsiga u taxaabeen nin kale oo kaaryoon ku qaaday marxuumka dhintay, kaas oo lagu wado baadhitaan.
Laama ammaanka ayaa ku hawlan baadhista sidii dilkaasi u dhacay.