Maxaa ka jira warka FANA ku sheegtay in Somaliland taageertay dagaalka Tigray?

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la soo tabiyey inuu taageero u muujiyey dawladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, sida ay sheegtay warbaahinta FANA ee ku hadashada afka dawladda Itoobiya.
FANA ayaa warkan boggeeda Facebook ku daabacday 28-kii bishan November, wax yar kadib markii uu dhammaaday kulan Madaxweyne Biixi uu qasriga Madaxtooyada Hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo socdaal ku tegay  Somaliland.
“Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dawladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas.” FANA ayaa baahisay hadalkaas oo ay sheegtay inay ka soo xigatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sida warbaahinta xukuumadda Addis Ababa baahisay inuu hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa Hargeysa kula yeeshay madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Maxamed Cagjar gelinkii hore ee Axadda.
Labada hoggaamiye, ayaa sidoo kale ka wadahadlay sida loo ballaadhin karo xidhiidhka ganacsi, amni iyo midka dhaqaale ee u dhexeeya waddamada Somaliland iyo Itoobiya.

Info@berberanews.com