Faransiiska oo bilaabay inuu muwaaddiniitiisa ka daadgureeyo Itoobiya

PARIS -(Berberanews)-Dawladda Faransiiska ayaa bilowday hawlgal ay ku daadguraynayso muwaaddiniintiisa ku sugan dalka Itoobiya shalay.
Faransiiska ayaa bilaabay inuu dib uga soo celiyo qaar ka mid ah muwaaddiniintiisa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, kadib markii uu u kiraystay diyaarad gaar ah oo magaalada Paris ku celisa, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska.
Dawladda Faransiiska ayaa toddobaadkii hore ku boorriyey dhammaan muwaaddiniintiisa inay isaga baxaan Itoobiya si aan dib-u-dhac lahayn, maadaama colaadda dalkaasi sii kordhayso.
“Wasaaradda Arrimaha Yurub iyo Dibadda ee Faransiiska waxay go’aansatay inay kireysato duullimaad khaas ah, si loo fududeeyo dhoofka dadka waddankeenna ah,” ayaa lagu yidhi ilo-wareedkan.
Hase yeeshee, Afhayeenka dawladda Itoobiya Mr Legesse Tulu jawaab kama bixin codsi ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay oo la xidhiidha arrinkan.